Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka codsaday dowladda Soomaaliya inay itoobiya kala hadasho mareynta biyaha webiga shabeelle

0
359

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ka Daah furay mashruuca Bandhiga Tijaabada Bariiska oo qorshuhu yahay in lagu hormariyo beeraleyda ku howlan biirida bariiska.

Maxamed Cabdi Waare  ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay Hirshabeelle islamarkana  ka maamul ahaan ay garab istaagayaan wax kasto oo lagu horumarinayo beeraleyda Hirsabeelle.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay   dowladda itoobiya  kala hadasho. Maareynta biyaha Wabiga Shabelle oo mar walba saameyn weyn ku yeelata dadka degan gobollada Hiiraan, shabeellaha dhexe iyo shabeella hoose.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Adan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here