Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku sugan Baladweyne oo laga dalbaday inuu dib u dhis ku sameeyo garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif

0
321

Baladweyne(Radio Beerlula)- Qaar ka mid ah shacabka magaalada Baladweyne oo la hadlay Radio Beerlula ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Baladweyne inuu dib u dhis ku sameeyo garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif oo maalintii labaad xiran kadib markii roobab ka da’ay magaalada ay sameyn ku yeesheen howlaha garoonka.

Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif oo in muddo ah heli wax dib u dayactir ah ayaa waxaa markasta sameyn ku yeesha howlaha garoonka roobabka ka da’a Baladweyne iyadoo biyo ka soo rogmaday buuraha ku hareereysan garoonka ay markasta dhax fadhistan qeybta ranweyga oo diyaaradaha ay ku ordan.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here