Madaxweynaha hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirada wadamada UK iyo Sweden

0
456

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha maamulka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada Ingiriiska iyo Sweden Ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo quseeya Horumarinta Hirshabelle.

Kulankan uu Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare uu laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Andreas Von Vexkull ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimaha maalgelinta Ganacsiga oo daymo la siiyo- Mashruuca Shuraka oo ay fuliyaan bangiyada Dalka sida Dahabshil, Horumarinta dhallinyarada, haweenka, iyo taakulaynta Mashruuca cadaaladda, taasi oo wax badan ka tareyso Horumarka Hirshabelle.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay garab istaaga Dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in sweden dhowaan ay ka fulin doonto mashaariic isugu jirta horumarin iyo dih u dhis Deegaanada Hodanka ku ah Kheyraadka ee Hirshabelle, waxaana uu madaxweyne Waare uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar gaarta.

Sidoo kale kulanka Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare uu la qaatay, Safiirka ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayay kaga wada hadleen Arrimaha ay ka mid yihiin Mashruuca Booliska loo Dhan yahay oo hadda dufcaddii labaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle la bilaabi doono kuwaasi oo wax badan ku soo kordhin doono xaqiijinta amniga Deegaanada Hirshabelle.

Kulanka oo waqti badan qaatay, ayay si qoto dheer kaga wada hadleen, fursadaha maalgashi ee ka jira dhulka eebe uu ku maneystay Kheyraadka ee Hirshabelle, taasi uu safiirka balan qaaday in ay ka gacan siin doonaan horumarinta wax soo saarka, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana qeyb ay ka yihiin kor u qaadida tayada hey’adaha dowladda iyo dar dargalinta fulinta mashaariicda hay’adda SSF ( Somali stability fund) iyo barnaamijka kala guurka Amisom ( transitional plan).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here