Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee gobolka Banaadir

0
357

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa Mudane Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii.

Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee magaalada Baladweyne.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here