Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in maxkamad la soo taago dowladda Masar.

0
398

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in Maxkamad caalami ah loo soo taago dowlada Masar geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi.

Erdogan ayaa sheegay inuu sameyn doono wax walba oo suurtogal ah sidii maxkamad caalami ah ay u qaadi lahayd geeridii Morsi,isagoo ugu baaqay Ururweynaha Islaamka inuu qaado tallaabo.

Hoggaamiyaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ku tilmaamay Morsi inuu yahay Shahiid isagoo xusay inuusan aaminsanayn in Morsi uu u dhintey si caadi ah.

Erdogan ayaa taageeray dowladii Morsi oo muddo gaaban shaqeyneysay waxayna taageerayaal iyo qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Ikhwaanul Muslimiinta ay u carareen dalka Turkiga kadib markii laga mamnuucay dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here