Shir looga hadlayo doorka haweenka ee Siyaasadda oo lagu qabtay Garowe

0
369

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa laga daah furay shir looga hadlayo doorka haweenka  ay kuleeyihiin  siyaasdada iyo sida loo wajihi karo caqabadaha kahor yimaada haweenka.

Shirkan ayaa socon doona Muddo labo maalmood ah waxana ka qeyb galay, wasiir kuxigeenka wasaarada haweenka buntland , madax kasocta unsom iyo marti sharaf kale.

Xubanaha ka qeyb galaya shirkan ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan sida haweenka ay uga qeyb qaadan karaan siyaasadda.

Wasir ku xigeenka wasarada haweenka buntalnd sahra cabdi xirsi ayaa si rasmi ah u daah furtay shirkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here