Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xariga jaray wada macmal ah.

0
337

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash ayaa si rasmi ah xariga uga jaray wado macmal ah oo ku taalla gobolka Nuugaal kadib markii wadada laamiga uu burbur ka soo gaaray wadad ka dhashay roobabka  da’ay gobolka.

Wasiirka howlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse, wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban Cadd ayaa ka waramay ahmiyadda wadadan macmalka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed  Cismaan Cilmi Karaash ayaa u mahad celiyay cida kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha wadadan macmalka inta laga dhisayo wadada laamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here