Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo Khartuum ka dagay.

0
368

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dagay magaalada Khartuum ee xarunta u ah dalka Suudaan, waxaana la filayaa in uu dhexdhexaadin doono hoggaamiyeyaasha milatariga iyo hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha Suudaan.

Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa Sudan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.

In ka badan 100 ruux ayaa lagu dilay dalka Suudaan todobadkii la soo dhaafay iyadoo dilkooda lagu eedeyay ciidamada ammaanka waxana meydadka qaarkood laga soo saaray webiga Niil ee dhaxmara magaalada Khartum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here