Madaxweynihii hore ee suudaan Cumar Al Bashiir oo dacwad lagu soo oogay

0
330

Baladweyne(Radio Beerlula)- Suudaan ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalkaas, Cumar Xasan Al Bashiir, waxaana lagu soo oogay inuu geystay kicin dadweyne iyo inuu ku lug lahaa dil loo geystay dibadbaxyaal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee waddankaas.

Ilaa hadda lama hayo wax war ah oo ku saabsan xaaladda Al Bashiir tan iyo markii xukunka laga qaaday 11-kii bishii April.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here