Man United oo ku soo laabatay wadada guusha xilli ay garaacday Everton

0
276

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa ku soo laabatay wadada guulasha xili ay Goodison Park ku soo garaacday Everton, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 19-aad kooxda Everton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Bernard.

Laakiin  daqiiqadii 25-aad Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luke Shaw.

32 daqiiqo Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Bruno Fernandes, xilli caawinta goolkan loo qoray Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Man United ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 1-3 ka dhigay Edinson Cavani, xilli uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here