Man United Oo Kulan Sir Ah La Yeelatay Tababarihii Ay Chelsea Ceyrisay Si Uu U Bedelo Ten Hag

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ninka noqonaya agaasimaha ciyaaraha ee Manchester United Dan Ashworth ayaa la kulmay Graham Potter iyadoo cadaadiska uu ku sii kordhayo tababare Erik ten Hag, sida ay qortay The Sun.

Tababarihii hore ee Chelsea Potter ayaa ka mid ah tababarayaasha uu sida weyn u doonayo bilyaneerkii dhawaan saamiga ka iibsaday kooxda ee Sir Jim Ratcliffe, kaasoo loo badinayo inuu ceyriyo Ten Hag haddii Man United ay u soo bixi weyso Champions League.

Ashworth iyo Potter waxay si dhow uga wada shaqeeyeen Brighton waxaana la fahamsan yahay in labada nin kulmeen todobaadkii hore.

The Sun  ayaa shaaca ka qaaday bishii Diseembar in Potter uu ku jiro tababarayaasha u sharaxan inay bedelaamn Ten Hag kaasoo cadaadis ku hoos jira.

Potter, oo ay ceyrisay Chelsea bishii Abriil ka dib lix bilood oo kaliya uu kooxda hayay, ayaa diiday dhowr dalab oo uga yimid kooxo kale duwan, waxaana uu sugayaa shaqada saxda ah si uu dib ugu soo laabto kursiga keydka.

Ratcliffe ayaa taageere weyn u ah tababarihii hore ee Brighton wuxuuna isku dayay inuu u dhiibo kooxdiisa kale ee Faransiiska ka dhisan ee Nice.

Bilyaneerka qeyb ka iibsaday United Sir Jim Ratcliffe ayaa todobaadkii hore ku guuldareystay inuu taageero u muujiyo Ten Hag xilli uu bixinayay wareysiyo kala duwan tan iyo markii uu kooxda saami ka iibsaday.

Markii Ten Hag loo sheegay in Sir Jim Ratcliffe uu taageere u muujin waayay waxa uu ku jawaabay: “Kalama jecli.”

Ratcliffe ayaa durba keenay kooxda maamule guud oo lagu magacaabo Omar Berrada kaasoo uu ka soo afduubtay deriskooda Man City.

Ashworth oo haatan jooga Newcastle ayaa ah agaasime kale oo kooxda imaanaya iyadoo Man United ay bixineyso magdhow la siinayo Newcastle.