Manchester United Oo Guushii Afraad Oo Xidhiidh Ah Kasoo Hoysay Premier League Xilli Uu Rasmus Hojlund Wacdaro Dhigay

0
67

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League kaddib markii ay caawa guul 2-1 ah kasoo gaadheen Luton Town oo ay marti u ahaayeen.

Laba gool oo uu dhaliyey Rasmus Hojlund toddobadii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa go’aamiyey guusha Manchester United oo si weyn sare ugu soo qaadday rajadeedii ahayd inay ka mid noqoto afarta kooxood ee sare ee Premier League oo ay hadda shan dhibcood u jirto Aston Villa oo ah kooxda kaalinta afraad fadhida.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Manchester United inay samayso dabbaal-deggeeda koowaad, waxaana ciyaarta oo socota 37 ilbidhiqsi oo kaliya gool qurux badan oo degdeg ahaa u dhaliyey weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo lugta bidix ku dhamaystiray kubbad ay difaaca Luton qaladkiisa lahaayeen.

Manchester United oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa fursaddii labaad ee ay samayso u beddeshay gool daqiiqaddii 7aad, markaas oo koorne lasoo laaday uu laynka xerada ganaaxa ka helay Alejandro Garnacho oo darbad xooggan ku toogtay goolka, laakiin kubadda oo ka leexanaysay dhinaca goolka, ayaa waxa shafka u dhigay Rasmus Hojlund oo ku duway goolka, taas oo inta ay birta kusii dhacday shabaqa haleeshay.

Dabbaal-deg waqti hore ah ayay Manchester United gashay, waxaana niyaddooda ka baxday cabsidii ahayd in laga daba iman karayo.

Luton Town ayaa muujisay in aan si sahlan lagaga baxsanayn, waxaanay keentay gool madi ah daqiiqaddii 14aad ee ciyaarta, iyadoo Carlton Morris uu madax ku qabtay kubbad uu goolhaye Andre Onana ka habsaamay.

Manchester United ayaa nasiib ku lahayd in Casemiro uu ka badbaaday in casaan lagaga saaro ciyaarta, waxaana saayiraad u muujiyey garsooraha oo kaadh uu u qalmayay ka daayey, kaddib markii uu qalad xun ku galay Barkley.

Marcus Rashford ayaa nasiib-darradu ay kusii socotaa oo dhawr fursadood oo dahabi ahaa lumiyey, iyadoo mid ka mid ah oo uu kubadda kasoo jiiday khadka dhexe uu darbad xooggan ku toogtay goolka oo u dhowaa balse ay kubaddu ka leexatay.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester United ay ku jirto kaalinta lixaad oo ay ku haysato 44 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka hoosaysaa Aston Villa oo afraad ku jirta oo haysata 49 dhibcood.