Mareykanka oo ka walaacsan awoodda Ruushka ciidamo na u diraya Poland.

0
328

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baaraandagayso in ciidamo kale oo dhan 2000 u dirto dalka Poland, xilli ay sii kordhayso walaaca ku saabsan khatar militari ee ka iman karta Ruushka.

Arrintan ayaa timid ka dib kulan ay aqalka cad ku yeesheen madaxwayne Trump iyo madaxwaynaha Poland Andzrej Duda.

Sanadkii aanu soo dhaafnay waxay Poland bixisay lacag dhan 2 bilyan oo doolar si loogu maalgaliyo saldhigyo Poland laga hirgaliyay sida uu sheegay madaxwaynaha Poland Andzrej Duda.

Ciidamadan dheeraadka ah ee Mareykanka ayaa la gayn doonaa qayb kala duwan oo ka tirsan Poland,waxaana ay ku biiri doonaan 4,500 oo ciidamada Mareykanka ah oo horey halkaasi ugu sii sugnaa.

Madaxwayne Duda ayaa bogaadiyay heshiiskan oo ku tilmaamay hormar la sameeyay balse aysan helin Poland wixii ay horey u rajaynaysay.

Xukuumadda Warsaw ayaa doonaysay guuto ka tirsan ciidamada Mareykanka taasi oo ka badan 10 jeer ciidamada imika loo ballanqaaday ee sida joogtada ah u joogi doona Poland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here