Mashruuc biyo loogu dhaaminayo barakacayasha Baladweyne oo la daah furay

0
360

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Hirshabeelle  Shuceyb Cabdikariin Muumin ayaa magaalada Baladweyne ka daah furay mashruuc biyo dhaamin loogu sameynayo dadka barakacayasha.

Mashruucan biyo dhaaminta ayaa waxaa ka faa’ideysan doona sodon iyo saddex kun,  boqol iyo kunton ruux (33,150) oo ku nool magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxana uu socon doonaa muddo labo bilood ah.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Hirshabeelle Shuceyb Cabdikariin Muumin ayaa ka waramaya ahmiyadda mashruucan iyo cida gacanta ka geystay.

Mid ka mid ah haweenka ka faa’ideysanaya mashruucan ayaa sheegtay in baahi weyn ay u qabeen biyo dhaamin loo sameeyo.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here