Masuul loo xiray sawirka madaxweyne ku xigeenka Kenya oo dirays milatari loo xiray

0
368

Baladweyne(Radio Beerlula)- Masuul reer Kenya ah ayaa la xiray isaga oo lala xiriiriyay gaari uu ku sawiran yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo dhar milatari loo xiray, sida uu ku warramay wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard.

Ninkan la xiray oo lagu magacaabo Julius Macharia ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Kiambu, gobolkaas ayaa dhaca bartamaha dalka Kenya, ayuu intaas ku sii daray wargeyska.

Masuulkaas waxaa lala xiray darawalkiisii.

Waxaa lagu eedeeyay in ay baska yar ku sawireen garaadaha ciidammada iyo calanka Kenya, arrintaasina ay sharci darro ka tahay Kenya.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in xiritaankaasi uu yahay mid aan sharci ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here