Mauricio Pochettino Oo Mar-marsiyo La Yaab Leh U Sameeyay Kooxdiisa Kadib Guuldaradii Carabao Cup-ka.

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa mar-marsiyo la la yaab leh u sameeyay kooxdiisa kadib guuldaradii Liverpool.

Kooxda Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Wembley.

Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysay dhaawacyo kulanka iyada oo Klopp ku qasbanaaday in uu ciyaarsiiyo xiddigo u badan da’yar.

Hadana Mauricio Pochettino ayaa sheegay in ay kooxdiisu ahayd kuwo ka da’yar Liverpool kulankii Final-ka Carabao Cup-ka.

“Ma garanayo si aan u qeexo xaaladan, laakiin shaki la’aan waxan dareemayaa farxad sababta oo ah kooxdu waxa ay sameeyeen dadaal”ayuu Mauricio Pochettino yidhi.

“Waxa aan ku ciyaarnay koox da’yar ah sidaas darteed ma ahan in nala bar-bar dhigo Liverpool”ayuu sii raaciyay