Maxkamad Nairobi ku taalla oo ardey Muslimiin ah ka farxisay

0
326

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maxkamad sare oo ku taalla dalka Kenya ayaa meesha ka saartay tallaabo uu Iskuul gaar loo leeyahay kaga mamnuucay ardeyda muslimiinta ah inay salaadda ku tukadaan Iskuulka ama inay kusoo tukadaan misaajidada ka agdhaw halkaasi.

Go’aanka maxkamadda ayaa ardeyda Iskuulka Oshwal Academy u ogolaanayaa inay hadda salaadooda ay ku tukan karaan Iskuulka ama misaajidada ka agdhaw halkaasi tan iyo inta ay maxkamadda go’aan rasmi ah kasoo saareyso.

Kooxaha u doodo xuquuqda muslimiinta ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Iskuulka ay ka hor imaaneyso xuquuqda gudashada waajibaadka diiniga ah isla markaasna ay tahay faquuq iyo gacan bidxeyn.

Iskuulkan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here