Maxkamadd ku taalla Bangladesh oo la soo tagay dad loo heystay dilka gabar yar.

0
392

Baladweyne(Radio Beerlula)- 16 ruux ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla waddanka Bangladesh, iyagoo loo heysto dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay gabar da’ yar, taasoo iyadoo nool la gubay markii ay shaaca ka qaadday fal faroxumeyn ah oo uu u geystay macallinkii dugsigeeda.

Nusrat Jahan Rafi, oo 19 jir ahayd ayaa lagu shubay gaas ka dibna dab la qabadsiiyay 6-dii bishii Abriil, xilli ay ku sugneyd saqafka kore ee dhismaha uu ku yaallay dugsiga.

Dilkeeda ayaa yimid maalmo kar kadib markii ay booliska uga dacwootay tacaddiga uu kula kacay maamulihii madarasada Islaamiga ah.

Dadka la maxkamadeynayo waxaa ka mid ah maamulaha qudhiisa oo lagu magacaabo Siraj Ud Doula.

Booliska ayaa sheegay in dilka gabadha uu amar ku bixiyay isagoo xabsiga ku jira, ka dib markii ay diidday inay ka noqoto dacwaddii ay macallinka ka gudbisay.

Waxay diyaarinta dilkaas ku qeexeen mid la mid ah “qorsheyaasha milatariga”.

Kiiskan ayaa kiciyay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay Bangaldesh, waxaana uu toosh ku ifiyay dhibbaneyaasha aan laga warqabin ee dalkaas loogu geysto tacaddiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here