Midowga Yurub iyo Masar oo kala saxiixday 8 bilyan oo doolar si loo xakameeyo socdaalka.

0
40

Baladweyne(Radio Beerlula)-Midowga Yurub iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 8 bilyan oo dollar oo looga gon leeyahay ooga in sare loogu qaado iskaashiga ganacsiga iyo amniga, iyo sidoo kale in la isku dayo in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta Yurub.

 

Heshiisku wuxuu kor u qaadayaa xiriirka Midowga Yurub iyo Masar oo loo samaynayo iskaashi istiraatiiji ah.

 

Deeqaha, amaahda iyo lacagaha kale ayaa lagu wadaa in la keeno saddexda sano ee soo socota si loo taageero dhaqaalaha sii xumaanaya ee Masar.

 

Dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta ayaa keentay in tirada sii kordheysa ee Masaarida ay isku dayaan inay u gudbaan Yurub.

 

Masar waxay isku xilqaatay inay xakamayso socdaalka aan joogtada ahayn ee Yurub.