Mikel Arteta Oo Caawiye Tababare Ka Dhiganaya Xiddig Premier League U Qaaday Manchester United

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mikel Arteta ayaa xiriir la sameeyay ciyaaryahan Premier League kula guuleystay Man United si uu uga dhigto caawiyihiisa cusub xilli ciyaareedka soo socda.

Tababaraha Gunners ayaa raadinaya bedelka caawiyayaashiisa Albert Stuivenberg iyo Carlos Cuesta oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyagoo raadsanaya inay noqdaan tababare.

Arteta ayaa fursad u helay inuu Arsenal tababare ka noqdo ka dib markii uu caawiye u soo ahaa tababaraha Man City Pep Guardiola, wuxuuna haatan diyaar u yahay inuu ciyaaryahan kale oo hore furdaas mid la mid ah siiyo.

Sida ay sheegtay ESPN Argentina, tababare Mikel Arteta ayaa doonaya inuu daaficii hore ee Manchester United Gabriel Heinze uu ka dhigto caawiyihiisa cusub xilli ciyaareedka soo socda.

Heinze ayaa u saftay 83 kulan kooxdii Man United ee Sir Alex Ferguson intii u dhaxeysay 2004 iyo 2007 ka hor inta uusan ka tagin ka dib markii uu boos joogta ah ka waayay kooxda.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford wuxuu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee Man United laakiin dhaawac soo gaaray ayaa sababay in booskiisa uu la wareego Patrice Evra iyadoo Heinze laga iibiyay Real Madrid.

45 jirkaan ayaa shaqo tababarenimo isku dayaya tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay isagoo dhowr boos ka qabtay Mareykanka iyo Koonfur Ameeriak, laakiin waxa uu haatan ku dhow yahay inuu ka mid noqdo shaqaalaha tababarka ee Mikel Arteta.

Arteta iyo Heinze ayaa iska soo garab ciyaaray bilowgii waayahooda ciyaareed markii ay joogeen Paris Saint-Germain, waxaana haatan laga yaabaa inay kuwada shaqeeyaan Arsenal.