Milatariga iyo kooxaha rayidka ee dalka Suudaan oo heshiiyay.

0
299

Baladweyne(Radio Beerlula)- Hoggaamiyeyaasha kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda dalka Suudaan ayaa waxa ay wahadallo fool ka fool ah la yeesheen maamulka milateriga ee ay doonayaan in ay xilka kala wareegaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir.

Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka.

Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here