Militariga iyo Mucaaradka Suudaan oo isku afgartay heshiis ku meel gaar ah.

0
299

Baladweyne(Radio Beerlula)- Hoggaanka Ciidamada Suudaan ayaa heshiis awood qaybsi ah la gaaray xulafada mucaaradka inta ay dalka doorasha ka dhaceyso.

Dhexdhexaadiyaasha labada dhinac u kala dab qaadayey waxay sheegeen iney awoodaha ugu sarreeya dalka wareegta ka dhigaan.

Midowga Afrikana wuxuu sheegay iney labada dhinac ku heshiiyeen in la dhiso dowlad madax bannaan iyo in la baaro rabshadihi toddobaadyadii ugu dambeeyey dhacayey

Warka ku saabsan heshiiska labada dhinac ay gaareen mark la shaaciyey waxaa waddooyinka dalkaasi isugu soo baxay dadweyne heshiiska ku faraxsan.

Wadahadallada labada dhinac ku dhex marayey qasriga madaxtooyada Khartoum oo horraanti toddobaadkan dib u billawday waxaa dhexdhexaadinayey Risulwasaaraha Itoobiya iyo Xubno ka socday midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here