Munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 186 oo lagu qabtay Baladweyne

0
360

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 186  arday oo isugu jiro gadho iyo wiilal  oo ka qiln jabiyay dugsiga saree ee  sheekh Maxamed Macalin ayaa munaasabad lagu sagootinayo loogu qabtay gudaha iskuulka sheekh Maxamed Macalin ee magaalada Baladweyne.

Maamulka iskuulka, bahda waxbarashada, ardeyda qalin jabisay, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munasabadda.

Maamulaha iskulka hoose dhaxe sare  ee sheekh Maxamed Macalin Axmed Dhaqane Cali ayaa ardyeda kula dardaarmay in aysan ka caajisin wax barashdooda isla markaana ay haysataan furihii oo kaliya.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ayaa kula dardaarmay ardeyda inay Ku dadaalan waxbaraahada.

Qaar kamid ah ardeyda dhameysatay dugsiga saree e sheekh Maxamed Macalin ayaa tilmaamay in ay kufaraxsan yihiin guusha ay gaareen.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here