Munaasabad lagu daah furayo adeega Master kaarka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0
400

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiiro, xildhibaano ka tirsan dowladda federaaalka Soomaaliya, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay adeega mastar kaar oo uu soo kordhiyay bangiga Caalamiga ee Soomaaliya IBS oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka bangiga IBS  Cabdirisaaq Cali Warsame,  agaasimaha wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaala, iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad alle ayaa si wada jir ah munaasabadda uga hadlay.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Eng Cabdulahi Cali Xassan ayaa bogaadiyay adeegan cusub ee ay daah furtay IBS.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here