Munaasabad lagu tageerayo musharax u taagan xilka guddoomiyaha ururka dhalinyaada gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Baladweyne

0
339

Baladweyne(Radio Beerlula)-Munasabadan oo aheyd mid lagu taageerayay musharax cabdinasir daahir cilmi oo utaagan xilka gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka hiiraan ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan  ururda bulshada rayidka aqoonyahano iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baladweyne.

Farxaan cumar carte gudoomiyaha ururka haweenka gobolka hiiraan, gudoomiyaha ururka ka hortaga gudniinka fircooniga ee gobolka Hiiraan  maryama cabdule xassan iyo  maamul ku xigeenka iskuulka Universal ustaad Cabdinasir Muxumed Cabdi ayaa guul u rajeeyay musharaxa.

Musharax Cabdinasir Daahir Cilmi  ayaa sheegay in uu la iman doono isbedel dhab hadii uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here