Mustaqbalka Ciyaareed Ee Paul Pogba Oo Fool-xumo Ku Dhamaaday

0
88

Baladweyne (Radio Beerlula)-IXiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa uu soo dhamaaday cimrigiisa ciyaareed, waxaana lagu riday ganaax afar sannadood ah oo ku qasbaya inuu ka fadhiisto kubadda cagta.

Paul Pogba oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa lagu helay inuu isticmaalay daawada lagu magacaabo DHEA oo mamnuuc ka ah ciyaartoyda, taas oo kordhisa awoodda qofka.

Bishii August ayaa Paul Pogba lagu sameeyey baadhitaanno kaddibna waxa ciyaaraha laga joojiyey bishii September ee sannadkii tegay oo uu kulankiisii ugu dambeeyey u dheelay Juventus.

Sida uu qoray wargeyska La Repubblica, xeer ilaalinta ayaa diidday doodda Paul Pogba oo ku andacoonayey in daawadan aanu u qaadanin ku-talogal, waxaana hadda xukun rasmi ah soo saartay maxkamadda ciyaaraha oo uu laacibkani rafcaan u qaatay.

Sky Sports ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay Paul Pogba in uu muddo afar sannadood ah ka maqnaado garoomada, taas oo ka dhigan in aanu garoomada iman doonin illaa ay da’diisu noqonayso 34 jir.

Warbaahinta waddanka Talyaaniga ayaa sheegtay, in hadda uu Paul Pogba ka fadhiisan doono ciyaaraha maadaama waqtiga la ganaaxay uu dheer yahay, isagana ay da’diisu weynaanayso.

Waayihii ciyaareed ee Paul Pogba

2009 – Paul Pogba ayuu Paul pogba ku biiray kulliyadda da’yarta Manchester United iyadoo uu waqtigaas uga soo wareegay kooxda Le Havre isaga oo 16 jir ah.

2012 – Pogba waxa uu si xor ah uga tegay Old Trafford waxaanu ku biiray Juventus isaga oo toddoba ciyaarood oo kaliya u saftay kooxdii uu da’yarteeda kasoo baxay ee Manchester United.

2014 – Xulka qaranka Faransiiska ayuu kala qayb-galay Koobkii Adduunka 2014 isaga oo ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee ugu wanaagsanaa Koobka Adduunka, waxaanu waddankiisu ku hadhay wareegga siddeedda.

2016 – Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United oo £89.3 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Juventus, kaddib markii uu Old Lady ka caawiyey inay ku guuleysato afar horyaal oo xidhiidh ah.

2017 – iyadoo ay da’diisu tahay 24 jir ayuu Manchester United kula guuleystay Europa League iyo League Cup markiisii koowaad ee uu koobab la qaado Manchester United.

2018 – Pogba waxa uu xulka France kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018, waxaana uu dhaliyey gool muhiim ah ciyaartii finalka ee ay 4-2 kaga adkaadeen Croatia.

2022 – Kaddib 225 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United, Paul Pogba ayaa dib ugu laabtay Juventus oo uu si xor ah ugu wareegay.

2023 – Pogba ayaa laga hakiyey xirfadda kubadda cagta bishii Septmber markaas oo ay soo baxeen baadhitaannada lagu sameeyey oo muujiyey inuu daawooyin awoodda kordhiya isticmaalay.

2024 – Waxa si rasmi ah looga mamnuucay ciyaaraha kubadda cagta muddo afar sannadood ah