Neymar Oo Weerar Lama Filaan Ah Ku Qaaday Kylian Mbappe Ka Dib Faalo Uu Ka Bixiyay Instagram

0
36

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Neymar ayaa ku weeraray Kylian Mbappe faalo qariib ah uu ka bixiyay Instagram.

Muddo lix sannadood ah Mbappe iyo Neymar ayaa u wada ciyaarayay Paris Saint-Germain, laakiin sidii la filayay wada shaqeyntooda ma aysan noqonin.

Labada weeraryahan ayaa wadar ahaan ay PSG ku soo iibsatay 402 milyan euro, iyadoo PSG ay isku dayaysay inay dhisto koox awood u leh inay ku guuleysato Champions League.,

Inkastoo kooxda PSG ay qabsatay kubada cagta Faransiiska intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2023, hadana waxay weli u dagaalamayaan koobka Dhega Weyne.

Xiisaha ka dhaxeysa labada weeraryahan ayaa soo bilaabatay xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay iyadoo xiddiga reer Brazil uu ka carooday inuu ku jiro hooska Mbappe bedelkii uu ahaan lahaa xiddiga kooxda.

Neymar ayaa ka tagay PSG xagaagii la soo dhaafay isagoo aaday Sucuudi Areebiya halkaasoo uu ku qaato mushahar gaaraya 130 milyan euro xilli ciyaareedkii.

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan ka soo kabsanaya dhaawac weyn oo soo gaaray isagoo u ciyaaraya Brazil bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, laakiin taasi lama micno ahan inuu ka joogayo inuu soo jiito warbaahinta.

Shalay oo Talaado aheyd, Neymar ayaa dhaleeceeyay akoon Instagram oo lagu amaanay saaxiibkiisii hore ee Kylian Mbappe.

Akoonka ayaa la soo dhigay qoraal ku saabsanaa Mbappe oo u dhignaa sida tan: “Mbappe mar kale waxa uu soo bandhigayaa inuu yahay nin fiican, waa dhibanaha sheeko si qaldan loo sheegay.

“Mbappe waa nin tartanka jecel. Dadka waxay moodaan inuu yahay nin xun balse waa nin doonaya inuu wax walba ku guuleysto.”

Neymar ayaa u dulqaadan waayay amaanta Kylian Mbappe isagoo faalo ka bixiyay qoraalkaas, wuxuuna u qoray: “Gringo, qooraha ayaad dhuuqdaa.”

Ereyga Gringo waxaa loo isticmaalaa qof aan Brazil u dhalan ama ka soo jeeda Yurub.

Sida lagu sharaxay akoonka @SelecaoTalk ee barta bulshada X, Neymar ayaa tixraac ka dhiganayay dhibaato ka jirto Brazil oo ah in dadka reer Brazil ay inta badan dhaleeceeyaan wax walba uu qof Brazil ah sameeyo islamarkaana ay amaanaan wax walba uu qof reer Yurub ah sameeyo.”