Nin dhalinyaro ah oo ku nool Baladweyne oo xirfad uu sameystay sii baray dhalinyaro

0
302

Baladweyne(Radio Beerlula)- Bashiir waa nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Baladweyne islamarkana abuurtay xirfad uu noloshiiska ku mareeyo, isagoo bartay qaadista sawirada waxana uu magaalada ka furay xarunta lagu qaado sawirada islamarkana lagu qurxiyo taasoo lagu magacaabo fanproj.

Marka laga soo tago xirfadda uu sameystay Bashiir wuxuu fursado shaqo u abuurtay dhalinyaro kale oo markii hore wax shaqo heysan kuwaasoo hadda ka howlgala xaruntan.

Bashiir ayaa Radio Beerlula uga waramay xirfaddan uu abuurtay iyo sida noloshiisa uga mareeyo.

Qaar ka mid ah dhalinyarada la shaqeysta Bashiir islamarkana uu baray qaadista sawirada ayaa Radio Beerlula u sheegay in xirfadda ay barteen ku mareeyaan noloshooda.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here