Nin dhalinyaro ah oo nolosha reerkiisa ka mareeya caseynta kabaha

0
339
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Cabdi xasan waa nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Baladweyne nolosha reerkiisa ayuu ku dabara lacagaha uu ka helo balasha ama caseeyaha.

Cabdi Xassan oo ku jira da’da sodomeeyada ayaa caqabado iyo dhiri gelin kala kula bulshada magaalada iyadoo qaarkood ay u sheegeen inuu yahay nin weyn islamarkana aysan habooneyn inuu ka shaqeeyo caseeye halka kuwa kalana ay ku dhiri geliyaan inuu shaqeysto.

Radio Beerlula ayuu u sheegay in markii hore uu ku shaqeysan jiray gaari gacan balse durufo caafimaad oo soo food saaray awgeed uu iskaga joojiyay islamarkana uu ku qanacsan yahay shaqadan caseeyaha ama baalashka.

Dhalinyarada shaqo la,aanta ah ayuu ugu baaqay inay abuurtaan fursado shaqo si noloshooda ay u mareeyaan, isagoo sheegay in shaqada aysan ceeb aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here