Dhul go’ay oo galaaftay nolosha dad badan

0
312

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go’ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacan tay, guryo badan ayaana ku burburay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca.

Dhul go’itaankan ayaa dhacay maalmo ka dib markii ay halkaas ka da’een roobab mahiigaanno ah, xukuumadda ayaana wadda dadaalo burburka looga dhex baarayo dad nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here