Nin iska dhigay madaxweynaha Kenya oo lacag badan dhacay

0
387

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waddanka Kenya nin iska dhigaya in uu yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa taleefanka kala soo hadlay mid ka mid ah ganacsatada wadankaas isaga o ka codsaday in uu siiyo lacag dhan 80 Milyan oo shilinka Kenya ah isaguna beddelkiisa uu siin doono qandaraas muhiim ah.

Wargeyska maxalliga ah ee Daily Nation ayaa shaaciyay in Saraakiisha ciidanka ay dalbadeen in la siiyo wakhti ay ku dhammeystiraan baaritaannada ay ku sameynayaan raggan tuuganimada lagu tuhunsan yahay.

Ganacsadaha ayaa aqbalay codsigi uga yimid Ninki Madaxweyne isku sheeggay intaas ka dib waxaa loo soo diray rag aad u labisnaa oo ganacsadaha u sheegay in ay Madaxtooyadda ka socdaan wuxuuna u dhiibay lacagti 80-ka Milyan aheyd.

Ninki Ganacsadaha ahaa Isbuuc ka dib ayuu Madaxtooyadda warqad u diray isaga oo ku yiri lacagti waan soo dhiibay walina waxba ma haya ee see wax yihii.

Madaxtooyada ayaa ninka ku wargelisay in aysan jirin cid ka socota madaxweynaha uu ninkan laga ka soo qaadata iyadoo xiligaas kadib uu ogaaday in la dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here