Olole indha fiqis ah oo ka bilowday magaalada Baladweyne

0
348

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 12 ruux ayaa ka faa’ideystay olole indha fiiqsi ah  oo bilaasha ah islamarkana loogu talo galay in indhaha loogu fiiqo 50 ruux oo laga kala keenay magaalada Baladweyne iyo deegannada hoos taga.

Ololahan ayaa waxaa iska kaashanaya Dhaqaatiirta Isbitaalka Faaruuq iyo Dr Cabdi Salaan Cabdalla oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Faaruuq Cabdi Qani ibraahim Xuseen iyo Dr Cabdi Salaan Cabdalla oo isaga Fuliyay Qaliinkan ayaa Radio Beerlula uga waramay ololahan indha fiiqista ee ay ka bilaabeen Baladweyne.

Qaar ka mid ah Dad ka faa ideeystay idha fiiqstay ayaa ka mahaceliyay.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here