Olole Nadaafadeed oo qashinka looga bixinayo webiga shabeelle oo laga sameeyay Baladweyne

0
305

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ururka wacyi gelinta bulshada iyo horumarinta gobolka Hiiraan ayaa olole nadaafadeed oo qashin bixin ah ka sameeyay qeybta hoose ee buunnada liqliqato ee webiga shabeelle ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiiraan.

Ololahan nadaafadeed ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magaalada Baladweyne Khadar Xassan Afrax.

Guddoomiyaha ururka wacyi gelinta iyo horumarinta ee gobolka Hiiraan Cabdirashiid Faarax Cabdi iyo qaar ka mid ah xubnaha ururka ayaa ka waramay hadafka laga lee yahay ololahan.

Duqa magaalada Baladweyne khaddar Xassan Afrax  ayaa bogaadiyay howshan ay qabteen dhalinyaradan.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here