PSG oo la guddoonsiiyay horyaalka Ligue 1

0
368

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka LFP ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in kooxda Paris Saint-Germain ay hanatay horyaalka Ligue 1 kaddib markii dhowaan lasoo af jaray xilli ciyaareedka 2019-20 ee horyaalka dalka Faransiiska.

PSG ayaa markeedii sagaalaad hanatay horyaalka Ligue 1, waxaana taas beddelkeed qasaaro xooggan la kulantay kooxda Lyon oo markii ugu horreysay weysey boosaska loogu soo baxo tartanka Champions League tan iyo sanadkii 1997.

Horraantii bishan ayay maamulka horyaalka Ligue 1 ee Ligue de Football Professionnel soo bandhigeen qorshahooda dib u billaabista xilli ciyaareedka iyagoo rajeynayay in bisha May 11-keeda la qaadi doono bandowga dalkaas, balse Ra’iisal-wasaaraha dalkaas ee Edouard Philippe ayaa maalintii Talaadada ku dhawaaqay in wax dhacdo isboorti ah aan la qaban doonin illaa laga gaaro bisha September, taas ayaana sabab u noqotay in la kansalo horyaalka Ligue 1.

Kooxda uu hoggaamiyo Thomas Tuchel ayaa la guddoonsiiyay horyaalka maadaama ay 12-dhibcood hoggaanka kaga hayeen kooxda ku soo xigtay ee Marseille, halka Lyon oo ku dhammeysatay booska toddobaad ay ku guuldarreysatay inay usoo baxdo tartamada Europe, balse booska saddexaad ee horyaalka kooxda ku dhammeysatay ee Rennes ay is reeb-reeb u gali doonto tartanka Champions League.

Lille, Reims iyo Nice ayaa tartanka Europa League ciyaari doono shaki la’aan maadaama la kansalay French Cup iyo League Cup, sidoo kale Amiens iyo Toulouse ayaa u laabtay horyaalka heerka labaad, taas beddelkeedna Lorient iyo Lens ayaa ka soo dallacay horyaalka heerka labaad, iyadoo Lorient hanatay koobka horyaalka Ligue 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here