Qadar oo Soomaaliya u fidineysa taageero dheeri ah

0
348

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah  ku jooga dalka Qadar, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay amiirka dowladda Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhimsanyihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo ka wadashaqeynta danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qadar si loogu tallaabsado iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh, sida u sheegay agaasimaha qeybta warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya  Cabdinuur Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here