Qashin xiisad ka dhax abuuray labo dal.

0
343

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa sii xoogeystay xiisad salka ku heysa qashin qub oo u dhaxeysa labada waddan ee Canada iyo Philippines, waxaana dowladda Philippines ay u yeeratay safiirkeeda u jooga Canada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Philippines ayaa sheegtay in Canada ay ku guul darreysatay inay fuliso go’aan horey loo wada gaaray  kaasoo ku saabsan in canad ay qashinka ay ku celiso dalkeeda.

Canada ayaa sannadkii 2014-kii qashin ku jira kunteenaro ku jira ku daadisay dalka  Philippines.

Waqtiga Canada loo qabtay ayaa ku ekaa 15-ka bishan May.

Bishii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Philippines Rodrigo Duterte sheegay inuu “qashinkaas dib ugu celin doono Canada.

Wararka ayaa sheegaya in qashinkan oo ka buuxa konteenarro uu u badan yahay wasakhda caadiga ah ee guryaha, sida xafaayadaha laga baddalo carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here