Qiimaha la iibiyo barafka oo sara u kac laga dareemayo Baladweyne

0
741

Baladweyne(Radio Beerlula)- Warshadaha soo saara barafka ee ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan soo saara baraf ka badan kii ay soo saari jireen maadaam xiligan aad loo isticmaalo barafka.

Qaar ka mid ah ganacsatada iska leh warshadaha barafka ayaa Radio Beerlula u sheegay in inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan faa’ido badan ka helan barafka maadaam xiligan aad loo isticmaal islamarkana sara u kac ku yimid qiimaha barafka.

Shacabka magaalada Baladweyne oo qaarkood la hadlay Radio Beerlula u sheegay in sara u kac uu ku yimid qiimaha la iibiyo barafka.

Warbixintan waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here