Qof kasoo dhacay Kenya Airways oo meydkiisa laga helay London.

0
362

Baladweyne(Radio Beerlula)- Meydka qof laga shakisan yahay inuu kasoo dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ku degi rabtay garoonka Heathrow ayaa laga helay beer yar oo ku taal London.

Meydka oo loo badinayo inuu yahay nin ayaa gelinkii dambe ee Axada laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, koonfur galbeed London.

Waxaa la rumaysan yahay inuu isku soo qariyay qeybta taayarka diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Nairobi, iyadoo qeybtaasi laga helay boorso, biyo iyo cunno.

Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in meydka uu kusoo dhacay meel aad ugu dhaw goob uu ku nasanayay qof ku sugnaa beerta.

Booliska Metropolitan ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono meydka, isla markaana aanu jirin wax tuhun ah oo laga qabo geerida qofkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here