Qoysas danyar ah oo ku nool Baladweyne oo deeq raashin ah loo qeybiyay

0
485

Baladweyne(Radio Beerlula)- In ka badan 70 qooys oo ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkana  isugu jira Dad Danyar ah Barakacayaal agoon iyo waayeello ayaa ka faa,ideeystay Raashiin Deeq ah oo aay Bixisay Hay,ada Ansaar international

Deeqdan raashinka ayaa loogu talo galay in ay afur iyo saxuur ka dhigtan dadkan danyarta.

Madaxa hay,ada ansaar ee Gobolka Hiiraan Mahad ciidan Cismaan ayaa Radio Beerlula uga waramay waxyaabaha ay ka koobantahay Deeqdan.

 Qaar kamid ah Danyarta ka faa,ideystay Deeqdan ayaa ka mahadceliya deeqdan iyagoo sheegay in la soo gaarsiiiyay xili baahi weeyn ay u qabeen.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here