Rabashado galaaftay 23 ruux oo ka dhacay Mali

0
362

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan 23 ruux ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay dalka Mali, sid a laga soo xigtay masuuliyiin iyo laamaha ammaanka.

Rag hubaysan ayaa Axaddii weeraray saddex tuulo oo ka mid ah dalka Maali.

Bilihii u dambeeyay bartamaha Mali waxaa ka dhacay rabshado u muuqda aar gooosi oo u dhexeeya labo qoomiyadood.

Bishii Juunyo 35 ruux ayaa ku dhintay weerar ka dhacay tuulo ay dagan yihiin bulshada Dogon.

Madaxweyne Ibrahim Keita oo ka fal celinaya weerarkii hore ayaa sheegay in dawladdu ay sare u qaadi doonto ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here