RW Khayre oo loogu soo dhaweeyay Guriceel, kuna baaqay in la joojiyo coladda ka jirta deegaanno hoos taga degmada Matabaan.

0
340

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.

Xasan Cali Khayre  ayaa waxaa magaalada Gurcieel ku soo dhaweeyay  boqolaal shacab ah isagoo meel fagaraha kala hadlay shacabka Guriceel, waxana uu sheegay in  qorshaha socdaalkiisa ayuu yahay sidii wadatashi ugala yeelan lahaa shacabka dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha ka jira deeganno hoos taga  degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.

Mudane Khayre oo horay u tegay magaalooyin  ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here