Ra’iisal wasaaraha Somaliya oo daah furay adeega isku xirka shirkaddaha isgaarsiinta dalka.

0
336

Baladweyne(Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo ay in mudo ah ku howlaneed hirgalinteeda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya si ay  iskuwacaan shabakadaha teleefanada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.

Waxaa ka qeyb galay madasha lagu daahfurayey adeegaan wasiirka wasaarada boostada isgaarsinta iyo Tiknoolajiyada XFS Jaamac Xassan Qaliif xubno katirsan golaha wasiirada xilibaano iyo mas’uuliyiin ka socday isgaarsinta dalka iyo bankiyada.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi