Ra’iisal Wasaarihii dunidu wada ammaantay oo aqal gashay

0
358

Baladweyne(Radio Beerlula)- Raysul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa waxaa guursaday nin ay muddo dheer wada socdeen, oo ah  wariye kaasoo lagu  magacaabo Clarke Gayford, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay.

Warka ku saabsan lammaanahaan is guursaday ayaa soo baxay kadib markii Ms Ardern lagu arkay xaflad dhacday Jimcihii maanta  ayadoo farta dhexe ee gacanta bidix uu ugu jiro faraanti Deyman ah.

Sanadkii hore, ayaa Ms Arden waxa ay dhashay ilmihii u horreeyey ee lammaanahaasi ay isu dhalaan, oo noqday gabadh loo bixiyey Te Aroha.

Sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah, Ms Ardern iyo Mr Gayford ayaa markii ugu horraysay isku bartay xaflad abaalmarinno lagu bixinayey oo dhacday sanadkii 2012.

Ra’isul wasaaraha dalka New Zealand ayaa lagu amaanay jawaabta ay ka bixisay weerarkii lagu dilay muslimiin oo ku cibaadeysanay masaajiyado ku yaalla New Zealand kadib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday masaajidka Al nuur iyo masaajid kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here