Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaliya oo daafuray aqoon is-waydaarsi ku saabsan siyaasadda maareynta maamulka deegaanka dalka

0
321

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay aqoon is-waydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka.

Aqoon is-waydaarsiga oo soconaya muda sedax cisha ah ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada deegaanka ee dawlad gobaleedyada iyo agaasimaha deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in muhiim ay tahay samaynta qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka, maadaama deegaanka iyo bay’adu ay muhiim u yihiin nolosha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here