RASMI: Horyaalka LaLiga Oo Shaaciyey Jaangoynta Mushaharka Kooxaha Iyo Murugada Ku Habsatay Barcelona

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa shaaciyey jaangoynta mushaharka horyaalka heerka koowaad iyo kuwa heerka labaad, kaddib markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishii January oo ay kooxuhu isbeddello sameeyeen.

Jaangoynta mushaharka oo lagu shaaciyo mushaharka ugu badan ee ay koox walba bixin karayso, waxa uu si weyn adhaxda uga jabiyey Barcelona oo mar kale ay muuqato in ay qasnaddedu madhan tahay, halka Real Madrid ay haysato fursad weyn oo ay kula saxeexan karto ciyaartoyda ugu waaweyn adduunyada, kuna siin karto mushahar xad-dhaaf ah.

Madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga ee Javier Tebas ayaa dhowaan waraysi uu bixiyey isbarbar-dhig kusii sameeyey heerka dhaqaalaha labada kooxood ee ugu waaweyn dalkaas ee Real Madrid iyo Barcelona, waxaana sii kala-saartay jaangoynta mushaharka ee maanta la shaaciyey.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa lagu jaangooyey mushaharkeeda in aanu ka badanin 727 milyan oo Euro oo ah xaddiga ugu badan ee ay bixin karayaan, halka Barcelona mushaharkeeda lagu jaangooyey in aanu ka badannin 204 milyan oo Euro.

Barcelona ayaa waqtigan oo kale sannadkii hore waxa jaangoynta mushaharkeedu uu ahaa 648 milyan oo Euro, hase yeeshee xagaagii ayaa waxa hoos loogu soo riday 270 milyan oo Euro, iyadoo haddana hoos loogu sii dhigay 204 milyan oo Euro.

Atletico Madrid oo qaybtii hore ee xilli-ciyaareedka ay jaangoynta mushaharkeedu ahayd 296 milyan oo Euro ayaa waxa ay sare ugu kacday 303 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan inay dhaqaale ahaan aad uga fiican yihiin Barcelona oo tan iyo bishii June ka shaqaynaysay sidii ay u diiwaangelin lahayd Vitor Roque iyo Inigo Martinez oo noqday labada ciyaartoy ee kaliya ee kusoo biiray.

Xogta jaan-goynta mushaharka horyaalka LaLiga ayaa waxa ay si weyn u caawinaysaa Real Madrid oo la filayo inay la saxeexato Kylian Mbappe xagaaga soo socda, iyagoo sidoo kalena soo-dhoweyn doona Endrick oo ay kasoo iibsadeen Palmeiras laakiin xagaaga soo gaadhi doona Santiago Bernabeu.

Sidee ayuu u shaqeeyaa jaangoynta mushaharka LaLiga?

Xisaab loo bixiyey ‘Sports Squad Cost Limit’ oo ah kharashka kooxda ayaa lagu salleeyaa iyadoo la isku eegayo dakhliga kooxda ee garoonka, xayaysiisyada, xuquuqda baahinta telefishannada iyo lacagaha ay ka helayaan tartamada.

Waxa uu sharcigu dhigayaa, in kooxdu ay ugu badnaan 80% dakhligeeda ku bixin karto mushahar, halka inta kalena laga doonayo inay noqoto kayd, maalgelin iyo waxyaabo kale oo ay u isticmaasho.

Halkan kaga bogo mushaharka kooxaha LaLiga