Real Madrid Oo Xasuuq Ay U Geysatay Celta Vigo Kusii Dheeraysatay Hoggaanka Horyaalka Spain

0
95

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa toddoba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 4-0 ku xasuuqday Celta Vigo oo qaladaad badan samaysay, isla markaana iska dhalisay laba ka mid ah goolashaas.

Ciyaar si adag ku bilaabatay balse natiijada kasoo baxday ay noqotay farxad iyo natiijo weyn oo ay Real Madrid la wadaagtay taageereyaasheeda usoo buuxiyey garoonka Santiago Bernabeu, ayaa waxa ay kusoo gaabisay rajadii kooxaha kusoo xiga ee filanayey in la qabto si ay ugu so dhowaadaan.

Dheemaka reer Turkey ee Arda Guler ayaa sidoo kale ay ciyaartani u noqotay mid uga duwan ciyaarihii uu hore usoo dheelay, waxaana uu dhaliyey goolkiisii koowaad ee uu u saxeexo Real Madrid oo xagaagii uu kusoo biiray.

Daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta ayuu Viinicius Junior hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid, markaas oo kubbad ay difaacu iska saari kari waayeen uu ka helay goolka hortiisa oo uu ku celiyey shabaqa oo tallaabooyin u jiray.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen, inkasta oo ay labada dhinacba heleen fursado ay ku badnayd Real Madrid oo ay darbado diciif ah u tuurayeen Rodrygo, Vinicius Jr. iyo Brahim Diaz.

Daqiiqaddii 79aad ayaa koorne uu soo qaaday Luka Modric waxa madax awood badan ku qabtay Antonio Rudiger oo kubaddu ay kaga dhacday birta, waxaana iyadoo soo noqonaysa ay dhabarka kaga dhacday goolhaye Guiata oo dib ugu celiyey shabaqiisa, sidaasna ay ciyaartu ku noqotay 2-0.

Toban daqiiqadood kaddib ayaa waxa qalad kale sameeyey Dominguez oo beddel kusoo galay, kaas oo kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Vinicius Junior si qalada ah ugu leexiyey shabaqiisa ciyaartana ka dhigay 3-0.

Carlo Ancelotti ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay hal daqiiqo ka dhiman tahay waxa uu soo geliyey da’yarka reer Tukey ee Arda Guler oo nasiibku caawiyey, isla markaana dhaliyey goolkiisii koowaad ee Real Madrid.

Daqiiqaddii 90+4 ayaa Arda Guler uu kubbad kula baxay goolhaye Guiata, waxaanu ugu gooyey dhinaca midig, kaddibna waxa uu ku dhamaystiray lugta midig, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 4-0.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Real Madrid ay yeelatay 69 dhibcood, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Girona oo kaalinta labaad ku jirta oo haysata 63 dhibcood, halka Barcelona ay leedahay 62 dhibcood oo ay siddeed dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid.