Real Madrid vs Man City, Arsenal vs Bayern Munich – Isku-aadka Wareegga Siddeedda Champions League Oo La Shaaciyey

0
106

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Isku-aadka wareegga siddeedda Champions League ayaa la shaaciyey, waxaana isku dhacay kooxihii ugu waaweynaa ee loo saadaalinayey inay meelaha ugu dambeeya iman doonaan amaba ay midkood ku guuleysan doonto tartanka xilli-ciyaareedkan.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester City ayaa waxa ay isku dhaceen Real Madrid oo labadii xilli-ciyaareed ee horena ay isku arkeen semi-finalka oo ay marba midkood soo gudubtay isla markaana koobka qaadday.

Arsenal oo markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2010 usoo gudubtay wareegga siddeedda Champions League ayaa gashay af-libaax, waxaanay isku dhaceen Bayern Munich oo ay kala calaf-qaadi doonaan, halka Barcelona ay waajihi doonto tababaraheedii hore ee Luis Enrique iyo kooxdiisa Paris Saint-Germain.

Isku-dhaca ugu dambeeya, waa Atletico Madrid oo heshay kooxdii ugu fududayd tartanka oo ah Borussia Dortmund.

Isku-aadka oo dhamaystiran

Arsenal vs Bayern Munich

Atletico Madrid vs Borussia Dortmund

Real Madrid vs Man City

PSG vs Barcelona