Rodrygo Iyo Bellingham Oo Real Madrid Ku Wareejiyey Hoggaanka Horyaalka Spain

0
216

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 3-0 kusoo burburisay Cadiz oo ay ku booqatay garoonka Nuevo Mirandilla.

Rodrygo Goes oo lagu qoray kursiga kaydka, ayaa si lama filaan ah loogu soo bilaabay markii uu waqtigii iskululaynta xanuunsaday Brahim Diaz oo booskiisa ku qornaa, waxaana uu noqday halyeyga Los Blancos ku hoggaamiyey guushan.

Saddex gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Rodrygo Goes iyo mid uu ku daray Jude Bellingham ayaa Real Madrid siiyey guul raaxo leh, inkasta oo ay ciyaartan ku waayeen Luka Modric oo dhaawac ku baxay qaybtii dambe.

Weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo ayaa gool qurux badan ku furay dhalinta goolasha daqiiqaddii 14aad, markaas oo kubbad uu lasoo dhaafay dersin difaacyahanno ah uu darbad xooggan kusii dhaafiyey goolhaye Ledesma oo ay u ahayd habeen xun oo uu dhamaadkiina dhaawac ku baxay.

Waxyar kaddib goolka, waxa uu Rodrygo hadiyad goolka u hordhigay Joselu oo si la garan waayey uga istaagay kubadda isaga oo u qaatay inuu offside ku jiro iyadoo xaqiiqaduna ahayd inuu boos sax ah taagnaa oo haddii uu kubadda uu leexin lahaa goolka oo madhan loo qori lahaa.

Rodrygo ayaa sii dheereeyey hoggaanka kooxdiisa daqiiqaddii 64aad oo uu saxeexay goolka labaad oo ahaa mid kale oo qurux badan oo dersin ciyaartooyo ah oo daawanayay isaga oo goolkooda ku socda, kaddibna toogtay dhinaca midig ee goolhaye Ledesma oo sii taabtay kubadda balse joojin kari waayey.

Goolka saddexaad ee Real Madrid ayaa waxa dhaliyey Jude Bellingham oo xerada ganaaxa uu kubadda ugu dhiibay Rodrygo oo ahaa laacibka kalidii ku filnaaday difaaca Cadiz ee sida fudud ku burburinayay.

Bellingham ayaa uu goolkiisani ahaa midkii 14aad ee uu u dhaliyo kooxdiisa Real Madrid, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan Los Blancos xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena waxa uu hoggaaminayaa horyaalka LaLiga oo uu 11 gool dhaliyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 35 dhibcood oo ay ka urursatay 14 kulan oo horyaalka ah, waxaanay hal dhibic ka horreysaa Girona oo habeen dambe la ciyaari doonta Athletic Bilabo, taas oo haddii ay badiso mar kale hoggaanka soo ceshan doonta.