Roobab saameeyay labo milyan oo ruux oo Shiinaha ku nool.

0
336

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan shan ruux ayaa dhimatay kumannaan kalana way go’doonsan yihiin ka dib markii ay roobabkii ugu awood badnaa abid ka da’een koonfurta Shiinaha, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Boqollaal guri iyo kumannaan hektar oo dalag ah ayuu roobku baabi’iyay, waxaana lagu wadaa in roobabkaasi ay sii socdaan maalmo badan.

In kabadan labo milyan oo ruux ayuu saameeyay, waddooyinka iyo buundooyinkii ayayna waxyeelo ballaaran soo gaartay, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

Gobolka Guizhou magaalo dhan ayay biyuhu labo mitir ka kormareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here