Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.
Xasan Cali Khayre ayaa waxaa magaalada Gurcieel ku soo dhaweeyay boqolaal shacab ah isagoo meel fagaraha kala hadlay shacabka Guriceel, waxana uu sheegay in qorshaha socdaalkiisa ayuu yahay sidii wadatashi ugala yeelan lahaa shacabka dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha ka jira deeganno hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.
Mudane Khayre oo horay u tegay magaalooyin ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.